Kenya: Saddex qof oo ku dhintay deegaanka Tana River oo looga shakisan yahay inuu daacuun ka dillaacay.

waqooyiga Tana ee ismaamulka Tana River ee gobolka xeebta dalka Kenya ayaa sheegaya inay dhinteen 3 qof kadib markii uu halkaasi ka dilaacay cudur looga shakiyay inuu yahay daacuunka.


Waxaa hada la dabiibayaa 18 qof oo kale halka kiisas gaaraya 100 oo la soo tabiyay aanan weli la xaqiijin.


Agaasimaha caafimaadka ee Tana River Dr Endekwa, ayaa sheegay in kiisaskaasi laga soo tabiyay Bura, Bilbil, Anole, iyo halka seddexda qof ee dhintay ay ka soo jedeen tuulada Matagala .


Dr Endekwa ayaa carabka ku dhuftay in heerka nadaafadeed ee tuulooyinkaasi uu hooseeyo.


Waxaa uu agaasimihu sheegay in la xiray maqaxiyadaha degaanka Bura iyadoo shakhsiyaadka ka hawlgalo la siinayo casharo ku aadan nadaafada.


Magalada Garisa ee gobolka waqooyi bari ayaa sidoo kale lagu sheegay dhawr kiis oo noocaas daacuunka balse ma jiraan cid u geeriyootay ilaa hada.


Sanadkii la soo dhaafay ayay ayayd markii cudurka daacuunka oo ka dilaacay xarunta waaxda qaran ee adeega dhalinyarada ee NYS ee degaanka Bura uu sababay in 21 sarkaal isbitaalada la dhigo halka 2 qofna ay u dhinteen.

Faallooyin