Laamaha Amniga Kenya oo wada Baadi Goobka Meydad Dagaal yahano Ka Tirsanaa Ururka Al Shabab

Meydadka 3 Dagaal Yahan oo La aaminsan yahay in ay Ka Tirsanaayeen ururka Al Shabab ayaa Laga Helay Degaanka Kutulo oo Ku Yaal Xadka ay Wadaagaan Dalalka somalia iyo Kenya.


Sarkaal Ka Tirsan Laamaha Maamulka ee Loo yaqaan AP-da oo Lagu Magacaabo Stephen Ngetich ayaa Waxaa uu Warbaahinta Gudaha Kenya u Sheegay in Meydadka La Helay ay Ka Tirsanaayeen Koox Hubeysan oo isku Dayday Qamiistii Weerar Ka Dhan ahaa Saldhig ay Ciidamada Ku Leeyihiin Degaanka Kutulo.


balse waxaa socda baaritaano lagu xaqiijinayo in maydadka la helay ay yihiin kuwa weerarka soo qaaday.

Faallooyin