Kaniisadda Katooliga ee Tansaaniya oo ku eedeeyay Madaxweynaha dalkaasi inuu halis ku yahay "midnimada qaran.

Kaniisadda Katooliga ee Tansaaniya ayaa cambaareeysay xadgudubyada mabaadii'da dimoqraadiyada iyo xoriyadda hadalka ee xukuumadda Madaxweyne John Magufuli, iyaga oo ku eedeeyay inuu halis ku yahay "midnimada qaran" bayaan ay soo saareen Axaddii.


"Hawlaha siyaasadeed waxaa mamnuucay booliska," ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Shir ay lahaayeen baadariyiinta Catholic ee Tansaaniya.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay kiniisada in ay ka aamusanyihiin bilihii u danbeeyay isbadalka siyaasadeed ee kali taliska madaxweynaha Magufuli.


Kiniisadda ayaa ku dheeraatay in hawlaha xisbiyada siyaasadeed, sida isoo baxyada dadweynaha, mudaharaadyada, doodaha gudaha dhismaha, oo ah xuquuqda muwaadin kasta, la joojiyay ilaa doorashooyinka soo socda," .


Haddii aan u oggolaano in ay sii wadaan dhaqanka sidaan ah dawlada, waxaa dhici doonta inaan galno khilaafyo culus oo burburin doona aasaaska nabadda iyo midnimada qaran.


Baadariyaasha oo cambaareeyay "xadgudubyada Dastuurka iyo Sharciyada Qaranka"ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in warbaahinta oo la xidha ama si ku-meel-gaar ah loo hakiya, taasi ay xaddidaysa xuquuqda muwaadiniinta, in la ogeysiiyo, ra'yiga iyo xaqa loo leeyahay asturnaanta iyo muujinta xorriyadda.

Comments