Myanmar: Qaar ka mid ah ciidamada ammaanka Myanmar oo wajihi doona tallaabo sharci ah oo ku saabsan dilalka Muslimiinta Rohingya.

Xubno ka tirsan ciidamada amniga Myanmar ayaa wajihi doona tallaabo sharci ah oo ku saabsan xasuuq iyo dil loo geystay Muslimiinta Rohingya ee ku nool gobolka Rakhine, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda.


Arinta ayaa ku soo beegmeysa ka dib dilka 10 ka mid ah qowmiyada Rohingya oo ka dhacay tuulada Inn Din bishii September sanadkii hore, waxaana meydadka lagu aasay xabaalo wadareed ka dib markii xagjiriinta Buddhista iyo askarta Myanmar ay laayeen dadkaasi.


"Talaabada sida waafaqsan sharciga" waxaa lagu qaadi doonaa toddoba askarta militiriga, saddex askari oo bilays ah, iyo lix ka mid ah xagjiriinta buudhistaha ka dib baaritaan dheer oo ay sameeyeen ciidanka militiri, ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Zaw Hatay maalintii axada.


Milatariga ayaa sheegay bishii Jannaayo in 10 ka ruux oo la dilay ay ka tirsan yihiin koox ka kooban 200 "argagixiso ah" kuwaas oo weeraray ciidamada ammaanka. islamarkaana dadkii tuulada ee Buddhist oo isticmaalaya baangado iyo seefo iyo askarta ay dileen.


Hase yeeshee, khayaanada militariga iyo sida ay u sharaxeen dhacdooyinka ayaa waxaa shaki galiyay warbixino ay soo saareen wakaaladda wararka Reuters oo wareystay dadka tuulada iyo Muslimiinta Rohingya ee goob jooga ahaa.


Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in uusan jirin wax weerar ah oo lagu soo qaaday ciidamada amaanka ee gudaha Inn Din, waxaana marqaatiyaadka Rohingya ay u sheegeen wakaaladda wararka in ciidamada ay qabteen 10 nin oo ka mid ah boqolaal qof oo magangalyo doon ah meel u dhow xeebta.

Comments