Diyaarad rakaab ah ayaa oo ay saarnaayeen 71 qof ku burburtay meel u dhow caasimadda Ruushka.

Diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen 71 qof ayaa ku burburtay waxyar un kaddib markii ay ka kacday garoonka Domodedovo ee magaalada Moscow.

Dhammaan dadka saarnaa diyaarada Saratov ayaa laga cabsi qaba inay dhinteen ka dib markii ay ku burburtay Axaddii meel u dhow magaalada Ramenskoe, oo 40km u jirta madaarka labaad ee Moscow.

Adeegyada gurmadka deg dega ah ayaa xaqiijiyay inay heleen burburka qayb ka mid ah diyaarada oo noocedu yahay Antonov-148 duleedka caasimadda, sidaana waxa sheegay wakaaladda wararka Ruushka ee Tass.

Diyaaradda ayaa ka soo duushay magaalada Moscow waxayna u safraysay magaalada Orsk ee xadka Ruushka u la wadaago dalka Kazakhstan iyada oo 65 qof oo rakaab ah iyo lix shaqaale ah ay saarnaayeen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Interfax.

"Debris ayaa la helay, ma jiraan wax badbaado ah," sida laga soo xigtay ilaha adeegyada gurmadka oo aan la magacaabin.

wali lama cadeeyn waxa sababay shilka. Wasaaradda Gaadiidka Ruushku ayaa waxay baareysaa sababo kala duwan, oo ay ku jirto xaaladaha cimilada iyo qalad xaga duuliyaha, ayaa lagu yidhi Interfax.

Comments