Shiinaha oo gacan ka geysanaya dhisidda xafiiska Midowga Afrika ee Beijing.

Dawlada Shiinaha ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay taageerto qorshaha Midowga Afrika (A.U.) si looga dhiso xafiis matalaya Midowga caasimadda, Shiinaha ee Beijing.

Tani waa sida ku cad warbixinta ay soo saartay A.U. ka dib markii booqasho rasmi ah oo laba maalmood socday uu waddankaasi Shiinaha ku tagay gudoomiyaha A.U. Moussa Faki Mahamat.

"Shiinaha ayaa soo dhaweeyay dhismaha qorshaha Xafiiska Midawga Afrika ee Beijing si loo hubiyo wada-shaqaynta Afrika iyo Shiinaha, oo ay ka go'an tahay in ay taageeraan dejinta Xafiiskan.

"Qorshahan ayaa sidoo kale gacan ka gaysan doona howlaha Kooxda Afrika ee Danjirayaasha Beijing, si loo hubiyo in lala jaanqaado kaalinta Midowga Afrika. Iyo in la ogaadaa in Shiinaha ay sameeyeen Hawl-gal Joogtada ah ee Midowga Afrika, tan iyo sannadkii 2015-kii, "ayaa lagu soo gebagebeeyay warbixinta.

Madaxa Midowga Afrika ayaa waxaa ku wehelinayay safarka Beijing guddi heer sare ah oo ka koobnaa  diblomaasiyiinta ugu sareeya qaaradda oo fursadaan uga faaiideesanaya xiriirka Shiinaha kuwaas oo lagu sharraxay inay saaxiibtinimo dheer la leeyihiin qaaradda.

Ka dib markii uu la kulmay martigeliyeyaashiisa, Faki Mahamat ayaa kulamo la yeeshay Safiirada Afrika ee fadhigoodu yahay Shiinaha.

"Intii lagu guda jiray kulan uu la yeeshay Kooxaha Afrika ee Safiirrada, guddoomiyaha ayaa gudiga ku wargaliyay howlgalkiisa, oo ay ku jiraan qorshaha xafiisyada wakiilada Midowga ee magaalada Beijing. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale gudoomiyay dood wada-hadal ah oo ku saabsan dib u habeynta hay'adaha Midowga Afrika, "ayaa lagu yiri bayaanka

Faallooyin