Masar oo sheegtay inay dishay 16 ka mid ah dagaalyahanada Daacish

Dowladda Masar ayaa shaaca ka qaaday in ay dishay 16 ka mid ah dagaalamayaasha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalka Masar tan iyo markii gacanka Sinai ay ka bilaabeen hawgal ballaaran oo ka dhan ah kooxahaasi.

Milateriga Masar ayaa sheegay in ay sidoo kale bur buriyeen dhawr iyo toban goobood iyo gawaari ay lahayeen kooxahaasi , waxaana ay intaa ku dareen in la xiray soddon qof oo looga shakiyaya inay katirsanyihiin kooxahaasi Masar ka dagaalama.

Afhayeen u hadlay milateriga Masar ayaa horay u sheegay in howgalkani lagu ballaarin doono ilaa iyo dhulka saxaraha ee Masar.

Abdel Fattax al-Sisi ayaa milateriga Masar ku amray in muddo saddex bilood gudahood ay kaga adkadaan dagaalamayaasha Islaamiyiinta, kadib markii kooxahaasi ay bishii Novembar ee sannadkii hore ay weerareen Masjid ku yaala Masar, halkaa oo ay ku dileen inkabadan saddex boqol oo qof.

Faallooyin