Madaxa ciidamada Bilayska dalka Kenya oo sheegay in la qalabeyn doono ciidamada boolsika si ay uga hortagaan argagaxisada.

Abaanduulaha ciidamada Booliska ee dalka Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in la qalabeyn doono ciidamada boolsika ee dalkaas si ay uga hortagaan kooxaha loogu yeero argagixisada iyo dadka geysta falal dambiyeedyada.

Waxaa uu sheegay Boinet in ciidamada Booliska ay si wanaagsan u gudanayaan waajibaadkii loo igmaday.

Shalay ayay ahayd markii edeeymaha loo soo jeedinayo ka difacaay ciidamada booliska.


Ciidamada boolsika ayaa mudooyiinkii ugu dambeeyay lagu edeeynayay inay ku xad gudbeen sharciga u degsan dalka.


Tan ayaa imaanaysaa ka dib markii dalka laga tarxiilay MIGUNA Miguna oo ka mid ahaa xubnahaa ugu sareeya mucaradka ee dalka Kenya.


Mr Boinet ayaa shalay carabka ku dhuftay inay wali beegsan doonaan shaqsiyaadkii ka dambeeyay dhaarintii hogaamiyaha mucaaradka ee Nasa Raila Odinga

Comments