UN: 85,000 oo qof ayaa guryahooda ka barokaceen 10-kii asbuuc ee dambeeyay rabshadaha ka jira Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay rabshadaha ka socda guud ahaan dalka Yemen, iyaga oo ka digay in xaaladda sii xumaanaysa ay keentay in 85,000 oo qof ay guryahooda ka barokaceen 10-kii toddobaad ee ugu dambeeyay.


Hay'adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay Jimcihii in in ka badan 70% dadka barakacay tan iyo Diseembar 1dii ee sanadkii hore ay ka baxsadeen dagaaladii u dhaxeeyay Kooxda Houthi Ansarullah iyo dagaalyahanada taageersan Sacuudiga oo daacad u ah Madaxweynaha Yemen, Cabdullah Mansuur Hadi, ee gobolada galbeedka xeebaha ee Hudaydah iyo Ta'izz.


Hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay xaaladda adag ee dadka barakacay, kuwaas oo ku xaniban aagagga ku dhow goobaha colaadaha ee labada gobol.

"Inta badan dadka ku bara-kacay gobollada Hudaydah iyo Ta'izz waxaa marti-galiyay qaraabadooda ama saaxiibadood, oo ku xayirnaa gudaha guryahooda ama godadka dhufeysyada ay uga dhuumaalaystaan qaraxyada iyo rasaasta," ayuu yiri afhayeenka UNHCR Cecile Pouilly. oo ku sugan magaalada Geneva.

Faallooyin