Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay baaritaan lagu sameeynayo eedeynta khayaanada qaxootiga ee Uganda.

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay baaritaanada ay sameeyeen dawlada Ugandha ee la xiriirta eedeeymaha kor u kaca ballaaran ee tirada dadka qaxootiga ah, tahriibinta dumarka iyo carruurta iyo musuqmaasuqa.


Eedeymaha oo markii hore lagu daabacay wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa lagu sheegay in wakiilka UN-ka ee dalkaasi, Rosa Malango uu su'aalay tirada qaxootiga ka dib markii baaritaan lagu sameeyey Kampala lagu helay 7,000 oo qof oo ka duwan tirada rasmiga ah ee 19,000.


Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa Jimcihii soo saartay qoraal ay ku soo dhaweynayaan 'tallaabooyinka ay qaadeen xukuumadda Ugandha si ay u baaraan eedeymaha ku saabsan qaladaadka barnaamijyada qaxootiga'.


Ilaa hadda, afar ka mid ah saraakiisha dawladda oo ay ku jiraan Guddoomiyaha Qaxootiga Ugandha, Apollo Kazungu ayaa shaqada laga joojiyay iyada oo baaritaannadu ay sidoo kale tixgelinayaan in hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen sidoo kale khayaanada.


Ugandha ayaa la sheegay in ay marti galinayso 1.4 milyan oo qaxooti ah - islamarkaana ay soo dhaweeyeen in ka badan dal kasta sanadkii 2016 - kuwa oo inta badan kasoo qaxay Koonfurta Suudaan iyo DR Congo.Laakiin eedeymahan cusub ayaa shaki galin doonta tirooyinkaas.


Eedeynta waxaa ka mid ah dukumiintiyo fara badan oo been abuur ah oo ku saabsan bixinta gargaarka cuntada iyo sidoo kale dadka qaxootiga in laga qaado laaluush si ay u helaan adeegyo kala duwan oo ay tahay in ay lacag la'aan ku helaan.

Comments