Haweeney 75 Jir ah oo Maxkamada ku Taal ismaamulka Muranga ee Gobolka Bartamaha Kenya Ka Dalbatay in uu Furo seygeeda oo 50 sano Ka Hor ay is Guursadeen

Haweeney ka mid ahaan Jirtay Macalimiinta Dalka Kenya ayaa Maxkmada ku taal ismaamulka Muranga Ka Dalbatay in uu Furo seygeeda oo Mudo haatan Laga Joogo 50 Sano ay is Guursadeen.

Marcella Mukami oo 73 Jir ah ayaa Tagtay Maxkamada Degmada Kangema si ay ugu sharaxdo sababaha ay Xiligaan u Dalbaneyso in ay Carmalada Noqoto.

Seygeeda oo Lagu Magacaabo Mr Peter Kinyugo oo Gudoomiyaha Arimaha Bulshada ee Dowlada ka ahaan Jiray Waaxda Kinyugo ayaa waxaa ay ku eedeysay in uu Dayacay Kadib Markii uu La Guursaday Xaas labaad.

Dhanka Kale Haweeneydaan ayaa Waxaa ay sheegtay in uusan soo Booqan in Mudo ah Taasi oo ay ku Tilmaamatay in uusan Jirin Xiiso uusan u Heyn Haweeneydaasi.

Marcella Mukami oo Lala Guursaday Triza Mulinge ayaa sheegtay in Seygeeda uu Ku Caasiyay Dhaqaalaha ay sanado ka Hor si Wada Jir u abuureen oo uu Gooni isaga u isticmaalo Xiligaan sida ay Maxakamada u sheegtay.

Macalimaadn Hore oo Dalbaneysa in La Furo Xiligaan iyada oo 75 sano Jir ayaa Waxaa ay sheegtay in Mudooyinkii La soo Dhaafay ay Xanuunsaneyd Taasi oo Ku Kaliftay in ay aado Gabadheeda oo Degan Magaalada Nyanyuki si ay kaga Taxadarto xaaladaheeda Caafimaad.

Si Kastaba ha ahaatee Dacwada ku aadan Arintaan ayaa Gorsaaraha Maxkamada Degmada Kangema Mr Dennis Kivuti uu Dib u Dhigay ilaa 15 ka bisha soo aadan ee Febraayo si Go,aan looga Gaaro.

Faallooyin