Ciidamada Masar oo xiray talyihii hore ee ciidamada qalabka sida Sami Anan oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashooyinka madaxtinimada ee bisha maarso.

Ciidamada Masar ayaa xiray madaxii hore ee ciidamada militiriga Sami Anan oo ka mid ah musharaxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan doorashada madaxweynaha.
Guddiga sare ee ciidamada qalabka sida ee Masaarida ayaa ku eedeeyay Anan in uu geystay xadgudubyo dhanka sharciga ciidanka".


Afhayeen u hadlay SCAF ayaa sheegay in 69-sano jirkaan oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa doorashooyinka madaxtinimada ee bisha maarso maalintii Axada, uu ka been abuuray dukumiintiyada rasmiga ah inuu soo dhamaystiray adeeggiisa milatari mana uusan ka helin ogolaanshaha ciidanka militiri si uu u tartamo.


"Ciidanka Qalabka sida ma oggolaanayaan jebinta xeerka iyo sharciyada adeegga milatariga e eedaysanuhu geystay, sida inuu uu ka been abuuray dukumiintiyada inuu soo gabagabeeyay hawlaha milatariga , taasoo uu ku sheegay inay keentay inuu u tartamo doorashada, "ayaa lagu yiri hadalka.


Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Anan uu doonayo in uu kala qaybiyo ciidamada qalabka sida iyo muwaadiniinta.


Anan ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu u tartamo doorashada madaxtinimada dalka Masar, laba saacadood ka dib markii madaxweynaha hadda xilka haya Abdel Fattah al-Sisi uu ku dhawaaqay qorshihiisa inuu mar labaad u tartamayo madaxweyninimada.

Comments