Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF) oo sheegay in carruurta ku nool Koonfurta Suudaan ay wajahayaan Xaalad Nolol xumo oo aad u liidata.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF) oo sheegay in carruurta ku nool Koonfurta Suudaan ay "halis ugu jiraan dhimasho dhow" sababtoo ah nafaqo-xumo ba'an.


Henrietta H Fore, ayaa soo saaray digniinta culus maalintii jimcihii ka dib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay qaar ka mid ah aagagga ay saameeyeen dagaalka sokeeye ee dalka Koonfurta Sudan.


"Waa arrin halis ah halkan South Sudan," ayay u sheegtay Al Jazeera iyada oo ku sugan caasimada Koonfurta Suudaan ee Juba.


"Aad ayaan uga walwalsanahay in rubuc milyan carruur ah ay dhimasho wajahayaan ayay tiri."


Dagaalka, Koonfurta Suudaan oo bilowday 2013-kii, ka dib markii madaxweyne Salva Kiir uu ku eedeeyay ku-xigeenkiisii ​​hore Riek Machar inuu qorsheeynayo afduubka, ayaa burburiyay waxsoosaarka beeraha ee waddanka Bariga Afrika, ayay tidhi.


"Rabshadaha ayaa ku khasbay in qaar badan oo ka mid ah beeralaydu ay ka cararaan beerahooda," ayay ku dartay. cabsi ay qabaan darteed, sidaas darteedna ma jiraan wax cunto ah oo suuqyada yaala."

Comments