HRW oo ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay cunaqabateyn saaran hoggaamiyayaasha Sacuudi Carabiya.


Kooxda xuquuqda aadanaha ee (HRW) ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay cunaqabateyn saaran hoggaamiyayaasha Milatari ee Sacuudi Carabiya, oo uu ka mid yahay Amiirka Mohammed bin Salman, ahna wasiirka difaaca, oo lagu eedeenayo dambiyada ku saabsan xasuuqa ka dhacaya dalka Yaman.


Hay'adda xuquuqda aadanaha ee ku salaysan New York ayaa ku sheegtay warbixinteeda caalamiga ah ee 201b ka in Sacuudi Carabiya, oo ololaha militari ka wada Yemen tan iyo bishii Maarso 2015, ay si isdabajoog ah u weeraraan aagagga ay ku noolyihiin dadka shacabka ah.


Boqortooyada, Sacuudiga ayaa sidoo kale lagu eedeeyay xaalada bani'aadanimo ee ka jirta Yemen oo sabab u ah xannibaada, burburinta kaabayaasha iyo xaddididda shaqaalaha gargaarka bani'aadamnimada ee gobolka ay colaaddu ka jirto.


Agaasimaha Bariga Dhexe ee HRW, Sarah Leah Whitson, ayaa cambaareesay dambiyada dagaalka ee ka dhacaya Yemen muddo ka badan seddex sano, iyada oo sheegtay, "Cunaqabateynta Golaha Amaanka ay saartay hogaamiyaha Houthi sidoo kale la saaraa hoggaamiyeyaasha millatariga ee Sucuudiga, oo uu ku jiro Wasiirkii Difaaca Sacuudiga Maxamed bin Salman, doorka ay ka qaateen joojinta gargaarka iyo xadgudubyada kale. 


HRW waxay ku eedeysay Sacuudi Carabiya iyo xulufadeeda in ay isticmaalaan hubka reer galbeedka oo ay u adeegsadaan "duullaanka Yemen si aan kala sooc lahayn" oo ay dileen kumanaan qof oo rayid ah.


Kooxda xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale xusay in ay diiwaan galisay lix weerarada cirka Sacuudiga ee dilaaga ah tan iyo December 2017

Comments