Wadaad Caan ka ah dalka Kenya oo maalmo ka hor ay xireen laamaha amniga Kenya oo La filayo in go,aan ay ka gaarto maxakamada.

Maxkamada Magaalada Marsabit ayaa La Filayaa in ay Go,aanka Ka Gaarto Sida Laga Yeelayo Sheikh Guyo Gorsa oo Maalmo Ka Hor ay Xabsiga u Taxaabeen Ciidamada Police-ka Dalka Kenya .


Laamaha Police-ka ee u Tababaran La Dagaalanka Argagixisada ayaa Maxkamada Ka Codsaday in La siiyo Mudo Sodon Maalmood Si Baaritaanada ay Ku Hayaan Wadaadkaasi ay u soo Dhameystiraan.


Dacwad soo oogaha Mr Duncan Ondimu ayaa ku eedeyay Wadaadkaan Xiriir uu La Sameeyay Dagaal Yahano Ka Tirsan Shababta Somaliya.


Sh Guyo ayaa Dhanka Kale Loo Heestaa in uu Waday Qorshe Lagu Tababarayo Dhalinyarada Kenyanka si ay ugu Biiraan Ururka Kooxaha Argagixisada.


Qareenkiisa ayaa Dhanka Kale Dalbaday in Wadaadkaan Xabsiga Laga sii Daayo Maadama aysan Jirin Wax Cadeymo ah oo Lagu Hayo oo ku aadan Danbiyada Loo Heesto.


Wadaadkaan ayaa Markii ay Laamaha Amniga Kenya ay Gacanta ku Dhigeen Waxaa Socday Dibad Baxyo Waaweyn oo ka Dhacay Magaalada Marsabit,Waxaana Lagu Gubay Kaniisado ay Leeyihiin Dadka aan islaamka aheyn ee ku Nool Magaaladaasi.


Sheikh Guyo Gorsa ayaa Ka Mid ah Wadaada Caanka ka ah Magaalada Marsabit Sumcad Weyne ku Dhex leh Bulshada ku Nool aagaasi

Faallooyin