Mugabe oo la sheegay inuu ku sigtay qaabkii loo dilay hoggaamiyihii hore ee Liibiya Muammer Gaddafi.


Afhayeenkii hore ee Robert Mugabe George Charamba, ayaa sheegay in ay jirtay cabsi maalmahii u dambeeyay ee Mugabe inta uusan xilka iska wareejin in loo dili lahaa ama la marsiin lahaa wada la mid sidii hoggaamiyihii hore ee Liibiya Muammer Gaddafi.


Sida uu sheegay afhayeenka intii uu socday wadahadalka ku saabsanaa in Mugabe uu xilka iska casilo waxa ay kooxda dhexdhexaadinaysay u sheegeen Mugabe in ciidamada qalabka sida aysan diyaar u ahayn inay qoryahooda ku jeediyaan dadka dibad baxaya islamarkaana ay dhici karto in gurigiisa lagala baxo.


"Waxaa jirey suurtagalnimada mid la mid ah dhacdadii Liibiya oo madaxweynuha ay dadka caraysan ee mudaaharaadaya gurigiisa kala bixi lahaayeen islamarkaana la khaarijin lahaa. sababtoo ah askartu waxay yiraahdeen 'ma awoodi karno inaan qoryaha u rogno dadka rayidka ah ee ka soo horjeeda madaxweynaha iyo inuu dhiigg daato', ayuu raaciyay hadalkiisa.


Wuxuu intaa ku daray in ciidanka xooga ay u xilsaareen dhexdhexaadiyayaal si ay ugu qanciyaan Mugabe inuu ogaadaa khatarta uga imaan karta isaga haduu ka degi waayo awoodda. ka dib markii ciidanku ay ku dhawaaqeen inay la wareegeen awooda siyaasadeed bishii November 2017, laakiin diiday in ay ugu yeeraan afgambi.


Mugabe ayaa wakhti yar is adkeeyay ka hor inta uusan u gudbin is casilaadiisa fadhiga baarlamaanka, kuwaas oo markaasi diyaar u ahaa inay xil ka qaadis ku sameeyaan.


Gaddafi - oo ahaa saaxiibka Mugabe, ayaa ciidamadii kacdoonka ku dileen magaalada Sirte sanadkii 2011-kii . ka dib markii mucaaradka oo garab ka helaya gaashaanbuurta NATO ay ku khasabtay Qadafi in uu ka cararo aqalka madaxtooyada oo uu magangelyo ka raadsado magaalada Sirte. halkaa oo markii danbe mucaaradku ay ku heleen ayna ku toogteen.


Waddanka Liibya ayaa wuxuu tan iyo marka ku jira fowdo iyadoo ay soo mareen dawlado kala duwan oo haysta dhulal kala gooni ah.


Xukuumada ay taageerto Qaramada Midoobay ee ayaa sanadkii la soo dhaafay kaliya ku guulaysatay inay ka saaraan dagaalyahanada Daacish magaalada Sirte. waxaana la filayaa in doorashooyin ay ka dhacaan dalka sannadkan laakiin wakhti cayiman ayaan weli la shaacin

Faallooyin