Kenya: Weerar lagu tuhunsanyahay al-Shabaab oo lagu dilay hal qof laguna dhaawacay saraakiil bilays ah oo ilaalo Ka ahaa Gaadiidka basaska ee isaga kala Goosha ismaamulada Lamu iyo Mombasa.


Dagaal Yahanada Al Shabab ayaa Laba Gaari oo ay Leeyihiin Police-ka Kenya oo ilaalo Ka ahaa Gaadiidka basaska ee isaga kala Goosha ismaamulada Lamu iyo Mombasa Ku Gubay Degmada Witu ee ismaamulka Lamu.


Weerarkaan oo Dhacay Maanta oo sabti ah ayaa Yimid Kadib Markii Dagaal Xoogan oo socday Mudo 30 Daqiiqo ah uu Dhexmaray Ciidamada amniga Dalka Kenya iyo Kooxdii Weerarkaan Soo Qaaday kaasi oo Ka Dhacay Agagaarka Degmada Witu.


Ciidamo Ka Tirsan Laamaha Amniga ayaa intii u Socday Weerarkaa Waxaa Ka soo Gaaray Dhaawacyo kuwaasi Halkaasi Laga Qaaday sida ay sheegeen Saraakiil Amniga ee ismaamulka Lamu


Saraakiil u Hadashay Laamaha Amniga Lamu ayaa Waxaa ay sheegeen in Weerarkaan Kooxdii soo Qaaday ay ku Qasbeen in ay Dib ugu Laabtaan Halkii ay Ka soo Weerar Tageen Gaar ahaan Keynta Boni.


Rakaabkii Saarnaa Gaadiidka Buseska mid ka mid ah ayaa sidoo kale ku nafwaayay Weerarkaasi.

Faallooyin