Turkiga oo uga digay muwaadiniintooda inay u safraan Mareykanka.

Dawlada Turkiga ayaa uga digay muwaadiniintooda in ay dib u eegaan qorshayaashooda ku aadan safarka Mareykanka ama inay taxadaraan haddii ay safar u aadaan dalkaasi, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga.


Bayaanka ay soo saartay wasaarada Jimcihii ayay ku sheegtay khatarta weerarrada "argagixisada" iyo sidoo kale xariga sharci darada ah ee muwaadiniinta Turkiga.


Wasaaradda arrimaha dibedda oo ka hadlaysa dhowr dhacdooyin dilaa ah oo ka dhacay Maraykanka bilihii la soo dhaafay ayaa sheegay in la ogaaday dhawaanahan inay soo kordhayaan weerarrada argagixisada iyo rabshadaha ee gudaha Maraykanka.


"Weerarrada gawaarida loo isticmaalayo ee goobaha ay joogaan dadka badan, marka lagu daro bamka iyo weerarrada qoryaha, waxay u badan tahay inay sii socon doonta weerarada iyo bartilmaameedyada xarumaha magaalooyinka, goobaha dhaqanka, saldhigyada tareenka, dhismayaasha dawladaha, goobaha cibaadada iyo xarumaha dugsiga," ayaa lagu yiri bayaanka, iyagoo intaas ku daray halista xiritaan sharci daro ah oo lagula kaco muwaadiniinta Turkiga ee u safraya Mareykanka.


Wasaaraddu ayaa soo hadal qaaday dhacdooyinkii dhawaa oo ay ka mid yihiin weerarrada ka dhacay Jaamacada Ohio, Xarunta Fort Lauderdale-Hollywood, Masaajidka Dar Al-Farooq ee Minnesota iyo Kaniisad ku taal gobalka Texas.


Waxa ay intaa ay ku dareen werarkii bambada ee tareenka dhulka hoos mara bishii december ee magaalada New York oo "tusaale u ahaa dhacdooyin farabadan / midab-takoor".


Wasaarada ayaa sidoo kale ka digtay in ay dhici karto "xarig aan loo meel dayin" ee muwaadiniinta Turkiga, oo ay ku jiraan shaqaalaha dawlada oo u safraya Mareykanka.


Digniinta ayaa timid ka dib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay digniin taas la mid ah ee safarada maalintii Arbacadii, iyagoo ku tilmaamay Turkiga oo ay weheliso Sudan, Pakistan iyo Guatemala inay yihiin waddamo "halis dheeraad ah oo dhinaca ammaanka " .

Faallooyin