Sacuudiga oo albaabada u furaya haweenka si ay uga qaybgalaan ciyaaraha kubadda cagta markii ugu horeysay maalinta jimcaha.

Garoomada cayaaraha ee Sacuudi Carabiya ayaa albaabada u furaya haweenka si ay uga qaybgalaan ciyaaraha kubadda cagta markii ugu horeysay maalinta jimcaha , sida ay xukuumaddu ku dhawaaqday.


Hadal ay soo saartay wasaarada warfaafinta ayaa lagu xaqiijiyay in Kulanka ugu horreeya ee haweenka loo oggolaan doono inay daawadaan uu noqon doono ciyaarta dhex mari doonta kooxaha Al-Ahli iyo Al-Batin oo dheeli doona maalinta Jimcaha 12-ka January," .


Wasaarada ayaa sheegtay in haweenku ay sidoo kale awoodi doonaan inay ka qaybgalaan ciyaarta labaad oo maalinta xigta iyo midka saddexaad ee bisha January 18.


Haweenka ka soo jeeda boqortooyada ayaa awoodi doona inay ka faa'iidaystaan xorriyaddan cusub marka cayaarta ugu horeysa lagu qabto caasimadda Riyadh, tan labaadna Jeddah iyo saddexaad magaalada Dammam.


Boqortooyada, oo ay ka jirto qaar ka mid ah xayiraadaha ugu adag ee adduunka ee ka dhanka ah haweenka, ayaa haweenka mudda dheer laga mamnuucay inay tagaan garoomaha isboortiga iyagoo raacaya sharciyo adag oo ku saabsan kala qaybsanaanta jinsiga ee dadweynaha.

Comments