Dawlada Myanmar Oo Qirtay Dilka Iyo Xasuuqa Ka Dhanka Ah Muslimiinta Rohingya.

Amnesty International ayaa ku baaqday baaritaan madaxbannaan iyadoo ciidamada Myanmar ay markii ugu horeysay qirteen in askartooda ay dileen 10 muslimiinta Rohingya.


Maydadka dadka la laayay ayaa lagu aasay qabuur ku yaal meel ka baxsan Inn Din, oo ah tuulo ku taal Maungdaw, ee gobolka Rakhine , bishii December sanadkii 2017.


Sida lagu sheegay qoraal uu Arbacadii soo dhigay bartiisa Facebook Taliyaha ciidanka milatariga Mayanmar Min Aung Hlaing, ayuu ku sheegay in ciidamada iyo dadka tuulada ay ku lug lahaayeen dilka loo gaystay Bengaliska islamarkaana ay qaadi doonaan talaabo sharci ah .


Myanmar ayaa waxaa ay ugu yeeraan Bengalis xubnaha ka tirsan dadka xasuuqa lagu hayo ee Rohingya, oo badi ah Muslimiin laga tiro badanyahay, . iyadoo wadanku uusan u aqoonsaneen mid ka mid ah kooxaha asal ahaan kasoo jeeda Mayanmar.


Iyada oo qayb ka ah ololaha socda ee ka dhanka ah kooxda, Myanmar ayaa sidoo kale u aqoonsan muslimiinta Rohingya sidii "argagixiso".


War-saxaafadeedka ay soo saartay ciidanka milateriga Mayanmar ee Arbacadii ayaa timid kadib bilooyin ay diidanaayeen inay ku lug leeyihiin xasuuqa muslimiinta Rohingya.

Faallooyin