Xildhibaannada haweenka ee dalka Maraykanka oo qorsheynaya dibad-bax ka dhanka ah dhibbanayaasha fal-dembiyeedyada galmada ee khudbada Trump ee State of the Union.

Koox ka mid ah haweenka xildhibaannada ee xisbiga Dimoqraadiga Maraykanka ayaa qorshaynaya inay u xirtaan labis madow khudbadda sanandlaha ee State of the Union oo markii ugu horreysay uu jeedin doono madaxweyne Donald Trump si ay taageera ugu muujiyaan  dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah dhibaataynta jinsiga ee goobta shaqada.

Jamie Speier, oo ah xubin ka tirsan golaha wakiilada Maraykanka, kana soo jeeda xisbiga jamhuuriga ayaa ku xaqiijisay wargayska  HuffPost talaadadii inay qorsheyneyso inay ka qaybqaato talaabadaan, ka dib markii NBC News ay ugu horeen qorshaha sharci dajiyaha ku sheegeen Twitter-kooda.

"Tani waa isbeddel dhaqameed oo waddanka kusii fidaya, islamarkaana kongress-ka ayaa soo dhaweenaya talaabada ayay tiri Speier, oo bilaawday #MeTooCongress hashtag oo ay uga jawaabayso dhaqdhaqaaqa bulshada ee ka dhanka ah dhibaataynta galmada.

Xildhibaanada ayaa sheegtay in iyada iyo xubnaha kale oo ka tirsan Kooxda Shaqaalaha Dumarka Demoqraadiyada ay ku martiqaadayaan raga iyo haweenka guud ahaan dhinacyada siyaasadeed inay kusoo biiraan si ay u muujiyeen taageeradooda maalinta  30-ka January ee khudbada madaxweynaha ee State of Union, arinkaas oo ay sidoo kale uga dayanayaan  Abaalmarinta Golden Globes oo ay jilayaasha filimaanta ku muujiyeen taageeradooda.

Dhowr dumarka iyo raga ee jilayaasha Hollywoodka ayaa kusoo labistay dhar madow Abaalmarinta Dahabka ah ee habeenkii Axadda ka dhacday Beverly Hills, Gobolka California, kaa oo ay ku muujinayaan midnimo iyo taageerada dhibbanayaasha fal-dembiyeedyada galmada oo qayb ka ah dhaqdhaqaaqyada #MeToo iyo #TimesUp.

Comments