Ilaa 100 qof oo qaxooti ah oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen xeebaha Liibiya.

Ugu yaraan  100 qaxooti ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku haligmeen badda Mediterranean ka dib markii doontii ay saarnaayeen kula qariqmatay  xeebta Liibiya.

Afhayeenka ilaalada xeebaha dalka Liibiya, Ayub Qasim  ayaa sheegay in doonta ay  saarnaayeen in ka badan 100 qof markii ay ku degtay magaalada bari ee Khoms, Talaadadii.

Samatabbixiyeyaasha ayaa helay kaliya 17 qof oo ka badbaaday iyaga oo ka laa-laadayo burburka doonta, ayuu yiri Qasim.

Wariyaha Al-Jazeera Mahmoud Abdelwahed, oo ku sugan caasimadda Tripoli, ee dalka Liibiya ayaa sheegay in ilaalada xeebaha dalkaas ay sidoo kale soo badbaadiyeen in ka badan 279 qaxooti oo saarna  laba doomood meel ka baxsan magaalada galbeedka Zawiya.

"Dhibbanayaasha waxaa ka mid ahaa 19 haween iyo 17 carruur ah, intooda badan kuwa doonnida saarnaa ayaa ka yimid dalalka Afrika," ayuu yiri Qasim.

Comments