Turkiga Oo Uga Digay Maraykanka Inuu Saxo 'Khaladaadkooda' Ama Xidhiidhka Labada Dal Uu Sii Xumaanayo.

Turkiga ayaa uga digay Maraykanka inay isbedel ku sameeyaan 'qaladaadkooda' oo ay wanaajiyaan  xiriirka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya ama xiriirka ayaa sii xumaan doona.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu  maanta in xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Washington uu dhaawac xun soo gaaray ka dib diidmada Washington ee ah inay ku soo celiso Turkiga Fethullah Gulen - oo lagu eedeeyay afganbigii dhicisoobay ee Turkiga - iyo hubka ay siinayaan Xagjiriinta Kurdishka ee ka dagaalama  Suuriya.

Turkiga ayaa sheegay in wadaadka ku sugan  Maraykanka uu  mas'uul ka ahaa afgambigii lagu fashilmay ee bisha July 2016 ee ka dhanka ahaa maamulka Turkiga. Islamarkaana dalabaad badan oo ay sameeyeen Ankara inay soo celiyaan Washington wadaadka ay ka biyo diideen, taas oo ay xukuumada Washington ku andacoonayaan in dawlada Turkiga aysan haysanin caddayn ku filan oo lagu soo oogi karo si ay dib ugu soo celiyaan.

Ankara ayaa sidoo kale ka careysan taageerada Mareykanka ee hubka iyo tababarrada kooxaha xagjirka ah ee Kurdida, oo ay Turkigu u arkaan in ay tahay qorshe lagu sii xoojinayo  dagaalyahanada Kurdida ee (PKK).

Kurdidu ayaa waxay diideen in ay ka baxaan badi goobaha u dhow xuduudaha Turkiga ee Suuriya, oo ay ka qabsadeen kooxda argagixisada ee Daacish

Faallooyin