Hogaamiyaasha Masar iyo Eritrea oo ka wada hadlay xiisadaha Niil iyo amniga.

Madaxwaynaha Masar Abdel Fatah al-Sisi ayaa Talaadadii  ku soo dhaweeyay aqalka Madaxtooyada ee magaalada Qaahira dhigiisa dalka Eritrea  Isaias Afwerki, halkaas oo uu madaxweynaha Eritrea uu booqasho ku tagay si uu uga wada xaajoodo xiriirka labada dal.

Kulanka markii saddexaad ka dhacaya  Qaahira, ayaa labada hogaamiye waxa  ay kulan wada-jir ah ku yeesheen qasriga Ittihadiya waxa ayna ka wada hadleen arimaha horumarinta wadamada Nile Basin iyo Geeska Afrika.

Booqashadan ayaa imaaneysa iyada oo uu  kacsanyahay xiriirka u dhaxeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan oo ku saabsan wadaxaajoodka biyo xireenka Renaissance Dam iyo xiriirka sii xumaa horey u dhexeeyay Eritrea iyo Itoobiya.

Xiriir la'aanta u dhaxeysa Sudan iyo Masar ayaa ka dhashay su'aasha Suudaan ee ah in Masar ay soo jeedisay in Sudan laga saaro wadaxaajoodyada biyo xireenka.

Waxaa sidoo kale jira muran ka taagan madaxbanaanida Halayeb triangle, kaas oo Suudaan haatan u gudbisey Qaramada Midoobay si loogu heshiiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Sameh Shoukry ayaa 8-dii Janaayo carabka ku adkeeyay in Masar ayan weydiisanin Itoobiya in Suudaan laga saaro wada xaajoodka Biya xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee Itoobiya.

Masar ayaa sidoo kale beenisay eedeymaha ah in ay ciidamadooda iyo hub u dirtay Eritrea, iyada oo dooneysa in ay saldhig milatari ka dhisato jasiiradda Dahlak island ee Eritrea..

Comments