Mudane ka tirsan xisbiga jubilee oo ku Baaqay in Turxaan Bixin Lagu sameeyo Golaha Wasiirada uu Dhowaan Dib u Magacaabay Madaxweyne uhuru Kenyatta.

Mudanaha Aqalka sare Qaabka Magaacabista ah uga Tirsan ee Matala Xisbiga Haya Talada Dalka Kenya ee Jubulle Isaac Mwaura ayaa Waxaa uu ku Baaqay in Turxaan Bixin Lagu sameeyo Golaha Wasiirada uu Dhowaan Dib u Magacaabay Madaxweyne uhuru Kenyatta.


Mr Mwaura oo La Hadlay Tv-ga Ku Baxa Afka Qowmiyada uu ka soo Jeedo ee Degta Gobolka Bartamaha ayaa Waxaa uu sheegay in aan Loo Baahneyn Dooda ku aadan in Baaritaan aan La sameyn oo ka soo Yeertay Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Dalka Mr Aden Bare Ducale.


Senator Kaan ayaa Dhanka Kale ku Booriyay Madaxweynaha Uhuru Kenyatta in uu Aqbalo Tuirxaan Bixin Lagu sameeyo Golaha Wasiirada Maadama ay Markale ay Qabteen Waqti Cusub oo ay Xilka haynayaan.


Dhanka Kale Mr Mwaura ayaa sheegay in uusan Taageeri Doonin Fikirka ah in aan Turxaan Bixin Lagu sameynin Golaha Wasiirada ee Lixda ah oo uu Madaxweyne Kenyatta uu Magacaabay.


Xildhibaankii Hore ayaa Waxaa uu sheegay in aan Loo Baahneyn in la isla Xiriiriyo Baaqyada Mucaaradka iyo Turxaan Bixinta Lagu sameynayo Golaha Wasiirada.

Comments