Wiil 13 sano jir ah oo isdilay ka dib markii loo diiday 100 shilin oo qamaar uu ku guuleystay

Deegaanka Kilifi gobolka xeebta ee dalka Kenya ayaa Waxaa ay sheegayaan in Laamaha amniga aagaasi ay Baaritaan ku hayaan Wiil yar oo sadex iyo toban Jir ah kaasi oo La sheegay in uu is daldalay.


Arintaan ayaa Timid Kadib Markii Wiilkaan iyo adeerkiis ay Wada Cayaareen Cayaaraha Qamaarka oo adeerka Looga Guuleystay Deetana uu Ka Biya adeegay in uu Lacag 100 ka Shilin ah Dhiibo.


Arintaan ayaa keentay in Wiilka Yar oo ku Hanweynaa Helida Boqolka shilin ee uu adeerkiis uga Guuleystay uu Qoorta Xarig Ku Xirtay ka dibna is dal dalo.


Wiilka is Daldalay oo Lagu Magacaabo Evans Kadenge ayaa La sheegay in sadexdii Maalin ee La soo Dhaafay ay asaga iyo adeerkii ay ku Murmayeen Lacagta Boqolka shilin oo adeerka looga Guuleystay.


Taliyaha Ciidamada Police-ka ee Magaalada Kilifi Mr Alexander Makau ayaa sheegay in Haatan ay socoto Baaritaanada ku aadan Arintaasi.


Dhacdadaan ayaa Imaaneysa Bil uun Kadib Markii wiil Yar oo sagaal Jir ah oo Qamaar Dhigtay uu isku Daldalay Tuulada Mtondia ee ismaamulka Kilifi.

Faallooyin