Dhibaatada ugu weyn amniga ee uu wajahayo dalka Itoobiya oo la sheegay inay tahay Kalsooni la'aanta ciidamada amniga federaalka.

Aaminaad la'aanta ciidamada amniga federaalka ee gobolada ugu weyn Itoobiya ayaa loo aqoonsaday inay tahay dhibaatada  amniga ugu weyn ee uu wajahayo dalkaasi. 


Wargeyska The Addis Standard news portal ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ilo qarsoodi ah oo ka warhaya kulan Golaha Ammaanka oo la qabtay todobaadkii hore, lagu sheegay in iska caabinta xooggan oo ka timid qaybo ka mid ah gobollada Oromiya iyo Amhara ay ka dhigayaan mid adag shaqada ciidamada federaalka.


"Cabashooyinka waxaa soo gudbiyay xubno ka tirsan ciidamada difaaca qaranka iyo booliska federaalka oo ku saabsan iska-caabbinta xooggan ee qaybo ka mid ah dadweynaha, gaar ahaan gobollada Oromiya iyo Amhara," ayaa lagu yiri hadalka ilaha qarsoon.


Kulanka Golaha Ammaanka waxaa hogaaminaya Wasiirka Difaaca Siraj Fegessa waxaana ka soo qaybgalay Ra'iisul Wasaaraha Hailemariam Desalegn iyo taliyeyaasha kale ee amniga iyo saraakiisha sare ee dalka Itoobiya oo dhan.

Comments