Maxay tahay sababta xiisadaha sii kordhaya ee gobolka Badda Cas?

Xiisadaha ka taagan gobalka Badda Cas ayaa aad u sareeyay laakiin kasii daray markii uu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan uu booqday Suudaan bishii hore.


Booqashada, oo aheed mid taariikhi ah, ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee madaxweyne Turkiga uu ku tago tan iyo sanadkii 1956 markii Sudan ay xornimada qaadatay.


Wakaaladda wararka ee xukuumada Sudan ayaa sheegtay in labada dal ay isku raaceen in ay sameeyaan koox qorsheyn istaraatiijiyadeed oo ka wada arinsada arrimaha caalamiga, iyo in ay doonayaan in ay soo gabagabeeyaan heshiis militari.


Heshiisyo badan oo ay kala saxiixdeen Erdogan iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa waxaa ka mid ah in si ku meel gaar ah loogu wareejiyo jasiiradda Badda Cas ee Suakin dalka Turkiga.


Ankara iyo Khartoum ayaa sheegay in Turkigu uu dib u dhisi doono jasiiradda Ottoman si kor loogu qaado dalxiiska, isla markaana looga dhigo xarun dadku u socda magaalada barakeesan ee Makkah mukarama ay uga gudbaan Badda Cas .


Warbaahinta Masar iyo Sucuudiga ayaa si adag u dhaleeceeyay heshiiska, waxaana ay ku andacoodeen in Turkigu uu saldhig milatari ka dhisayo Suakin.

Faallooyin