QUDUS: Go'aanka Trump Ee Ku Aadan Qudus Oo Meel Ka Dhac Weyn Ku Ah Sharafta, Iyo Karaamada Boqorka Urdun

Dhowr hoggaamiye oo Carbeed ayaa ka hadlay sida ay uga xun yihiin talaabada maamulka Trump ee uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israel, kuwaas oo cabsi badan ka muujiyay inay yeelan doonto cawaaqib khatar ah gobolka oo dhan.

Boqorka Jordan, Abdullah II oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Mareykanka ayaa u sheegay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump hadii uu u aqoonsado magaalada quduuska ah caasimadda Israel inuu kicin doono dareenka Muslimiinta iyo Masiixiyadda.


Bayaan ay soo saareen aqalka boqortooyada Urdun ayaa lagu sheegay.in Boqor Abdullah uu ku tilmaamay go'aanka Trump khatar halis ku ah xasilloonida iyo amniga gobolka", ,


Si kasta oo ay noqotaba tallaabada Trump's ayaa bahdilaad weyn ku ah Boqor Abdullah maadaama aabihiis, Boqor Hussein, uu ahaa ninka ay Israail uga adkaatay magaalada Qudus dagaalkii 1967.

Comments