Hogaamiyaasha Adduunka Oo Cambaareeyay Go’aankii Donald Trump Ee Qudus

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa dhaleeceyn xoog leh u jeediyay tallaabada uu qaaday madaxwaynaha maraykanka Donald Trump oo habeenkii xalay  u aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimadda dowladda israel.

Dad badan ayaa dareensan in tallaabada Washington, ay ku dhawaaqday Arbacadii ay xasillooni darro u horseedi karto gobolka oo dhan, isla markaana burburinayso rajada laga qabo xal u raadinta Israa'il iyo Falastiin.

Hogaamiyeyaasha dunida muslimka iyo guud ahaan beesha caalamka ayaa siyaaba kala duwan uga jawaabeen ciwaankii Trump.

Madaxweynaha Lubnaan, Michel Aoun, ayaa sheegay in go'aanka Mareykanka uu halis ku yahay hanaanka nabadda iyo xasiloonida Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Jordan ayaa go'aanka Trump ku tilmaamay sharci darro, sababtoo ah waxay  sii "xoojinaysaa gumaysiga Israa'iil" ee Bariga Qudus.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar, ayaa sheegay in go'aanka Trump uu ahaa "xukun dhimasho ah" oo loogu talagalay dhammaan kuwa raadinaya nabadgelyada iyo "halis colaadeed".

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in go’aanka Donald Trump uu yahay dib u socod kaas oo Faransiisku aanu wax taageero ah u hayn, wuxuu ku tilmaamey mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo qaraaradii Qaramada Midoobey. "

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa yiri "ilaalinta magaalada barakaysan ee Qudus waa  mid aad u muhiim ah, waana muhiim in dunida Islaamku ay hal meel uga soo wada jeedsadaan".

Hogaamiyaha Ururka Shaqaalaha ee UK, Jeremy Corbyn ayaa tallaabada 'Trump' ku tilmaamay masuuliyad daro iyo arrin "khatar ku ah nabadda".isagoo intaa raaciyay in dawladda Ingiriisku ay cambaareeyaan tallaabadan khatarta ah ayna la yimaadaan xal heshiisiin ah.

Ururka shaqaalaha Tunisia UGTT ayaa sheegay in go'aankaasi uu ahaa "cadeyn dagaal" iyagoona ku baaqay dibad baxyo ballaaran, halka Trita Parsi, oo ah madaxweynaha Golaha qaran ee Iraniyiinta Maraykanka , ay ku tilmaamtay "go’aanka Trump doqonimo tii ugu weyneed".

Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabta ayaa ku baaqey shir deg-deg ah oo looga arinsanayo go’aanka DOnalsd Trump uu ku aqoonsadey Qudus in ay tahay caasimadda Israel.

Si kastaba ha noqotee, hoggaamiyayaasha Israel ayaa ku kala duwanaa, jawaabahooda ku aadan tallaabada Washington.

Benjamin Netanyahu, oo ah ra'iisul wasaaraha Israel, ayaa sheegay in ay ahayd "maalin taariikhi ah" ee dalka.una mahad celiyay saxiibkiisa Donald Trump.

Comments