Turki: Dibad Baxyo Looga Soo Horjeedo Tallaabada Washington Ku Aqoonsadeen Al-Quds Inay Noqoto Caasimadda Israel Oo Ka Dhacay Magaalooinka Ankara Iyo Istanbul.

Boqolaal dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay bannaanka safaarada Mareykanka ee Ankara iyo qunsuliyadda Mareykanka ee Istanbul, si ay u cambaareeyaan tallaabada Washington oo u aqoonsadeen Al-Quds inay noqoto caasimadda Israel.

Labada dibadbax ayaa waxay ahaayeen kuwo nabad ah, inkastoo qaar ka mid ah dibadbaxayaasha Istanbul ay gubeen calanka Israel iyaga oo ku qoray derbiyada safaarada ha la xoreeyo Falastiin.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sidoo kale cambaareeyay go'aanka Mareykanka soo saaray kuna tilmaamay masuuliyad darro " waxaana ay ugu baaqeen Washington in ay dib uga fiirisato tallaabadaas.

Comments