Ra’iisulwasaaraha Lubnaan Sacad Xariiri Oo Si Rasmi Ah Uga Laabtay Is Casilaaddiisii.

Ra’iisulwasaaraha Lubnaan Sacad Xariiri ayaa si rasmi ah uga laabtay is casilaaddiisii layaabka lahayd ee uu ku dhawaaqay isaga oo ku sugan Sacuudi Carabiya bil ka hor sida ay xaqiijieen golaha wasiirada dalkaasi.


"Golaha Wasiiradu ayaa u mahad celiyay hogaamiyahooda (Hariri) go’aankiisa iyo inuu ka noqdo iscasilaadiisa," ayuu yiri Hariri, isagoo ka akhriyay qoraal ka soo baxay golaha xukuumadda.


"Dhammaan qaybaha siyaasadeed ee xukuumadda ayaa isku raacay in ay iska fogeeyaan dhammaan, khilaafaadka, dagaallada iyo arrimaha gudaha ee wadamada Carabta, si loo ilaaliyo xidhiidhka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Lubnaan," ayaa lagu yiri bayaanka.


Sacad Xariri –ayaa bil ka hor si lama filaan ah isaga casilay xilka Rai’sul wasaaraha mar uu ku sugnaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga isagoo xilligaas Ururka Xisbullaah ku eedeeyay in uu halis gelinayo naftiisa islamarkaana Lubnaan uu ugacan gelinayo dowladda Shiicada Iiraan

Comments