Hogaamiyaha Kooxda Ansar Allah Oo Sheegay In Cali Cabdalla Saalax Loo Dilay Khiyaamo Qaran"

Hogaamiyaha Falaagada Ansar Allah ama Xuuthiyiinta ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay geerida naxdinta leh ee ku timid madaxwenihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, isagoo ku tilmaamay dhimashadiisa guul laga gaaray isbahaysiga milatariga ee dalka Sacuudi Carabiya, kaas oo Yemen la dagaallamayay.

Xisbiga Saalax ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in lagu dilay hogaamiyahooda weerar gaadmo ah oo maalintii Isniintii ka dhacay caasimadda Sanca, ka dib markii uu ka tagay xulafadiisa Houthiyiinta ee uu ku biiray isbahaysiga Sucuudiga.

Hogaamiyaha Jabhada Ansar Allah Abdul Malik al-Houthi ayaa sheegay in dagaalyahannadiisii ​​ay dileen Saleh "oo galay khiyaano qaran" isla markaana u hambalyeeyay Yamaniinta "isagoo ku tilmaamay, falka dilka maalin taariikhi ah oo aad u weyn oo ay guul dara soo gaartay kuwa wada shirqoolka iyo Khiyaamo qaran, waana maalin madow oo loogu talagalay ciidamada gardarrada wada ".

Waxa uu sheegay in kacdoonkii Saalax ee ka soo horjeeda kooxda Houthi ay ahayd khatarta ugu weyn ee soo wajahday dalka, laakiin waxay ahayd mid lagu jabiyay saddex maalmood.

Waxa uu sheegay in kooxda Houthi - oo si rasmi ah loo yaqaan Ansar Allah (Parties of God) - ay sii wadi doonaan nidaamka rayidka ee waddankooda mana raadin doono aargoosi ka dhan ah xisbiga Saalax.

Comments