Shirka Dhaqaalaha Afrika: Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Sheegay In Afrika Ay Leedahay Fursad Ay Ku Go'aamiso Mustaqbalkeeda

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in qaaradda Afrika ay awood walba u leedahay inay go'aamiso mustaqbalkeeda haddii ay qaab beddelaad ah ku sameyso dhaqaalaheeda si ay uga faa'idaystaan  muwaadiniinteeda.

Desalegn ayaa hadalkan ka jeediyay furitaanka munaasabada shirka dhaqaalaha Afrika ee 2017 oo lagu qabtay caasimadda Addis Ababa.

Shirka dhaqaalaha Afrika ee 2017  ayaa soconaya saddex maalin laga soo bilaabo maalintii Isniinti ilaa Arbacada Diseembar 6 deeda waxaana sanadkan loogu magic daray 'Maareynta isbeddel qaabdhismeedka, waxaana ka qayb qaadanaya  Guddiga Dhaqaalaha ee Afrika (ECA), Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP).

Ka qaybgalayaasha ayaa la rajeynayaa muddada uu socdo in la isku weydaarsado fikradaha ku saabsan horumarka laga sameeyey dhanka isbedelka dhaqaalaha ee dowladaha Afrikaanka ah. Waxay sidoo kale ka wada hadli doonaan siyaasadaha, barnaamijyada iyo qaababka kuwaas oo ka caawin kara xukuumadaha inay furaan awooddooda dhaqaale.

Comments