Maxkamadda Ugu Sarraysa Mareykanka Oo Oggolaatay In Si Buuxda Loo Hirgaliyo Mamnuucitaankii Uu Madaxweyne Trump Ku Soo Rogay Lix Dal Oo Muslimiin Ah.

Maxkamadda Ugu Sarraysa Mareykanka ayaa u oggolaatay maamulka Trump in ay si buuxda u dhaqan geliso xayiraadda safarka lagu beegsanayo sideed waddan,oo lix ka mid ah wadamadaas ay u badanyihiin muslimiinta".

Xukunka cusub ayaa la micno ah in maamulka Trump uu si buuxda u dhaqan galin karo xaddidaadda inta badan muwaadiniinta kasoo jeeda wadamada Iran, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Chad iyo Waqooyiga Kuuriya, iyo kooxo ka tirsan dadka reer Venezuela.

Amarka Maxkamadda Sare ayaa wuxuu bur-buriyey heshiiskii horay u jiray tan iyo bishii Juun, markii ay maxkamaddu ku dhawaaqday in dadka "xiriirka wanaagsan" la leh Maraykanka ay u soo safri karaan Maraykanka iyada oo aan loo eegin xayiraadda.

Trump ayaa sheegay in xayiraadaha loo baahan yahay in lagu xoojiyo ammaanka ayna ka hortagaan weerarrada argagixisada.

Kuwa ka soo horjeeda fikirka xag jirka ee uu qabo Trump ayaa sheegaya in mamnuucidda xadgudub ku tahay dastuurka Mareykanka  sababtoo ah waxay ku takoorayaan Muslimiinta iyo muwaadiniinta qaarkood ee wadamada kale.

Comments