Kooxda Xuuthiiinta Oo Sheegay In Cali Cabdalla Saalax Lagu Dilay Magaalada Sanca,

Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa lagu dilay magaalada Sanca, sida lagu sheegay raadiyaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Xuthiyiinta.


Muuqaal lagu soo bandhigay warbaahinta bulshada ayaa Isniintii u muuqday muuqaal u eg maydka Saleh, iyada oo hal sawir uu muujinaya sida malleeyshiyaad hubaysan ay u isticmaaleen buste inay ku duubaan maydka si ay u saaraan gadaasha gaari xamuul ah.


Si kastaba ilaa hada ma jirto wax xaqiijin ah oo ku saabsan dhimashada Saleh. inkastoo aan muuqaalkiisa lagu arag meel fagaaro ah tan iyo markii warbixinta dhimashadiisu soo baxday.


Xisbiga Saleh ayaa horay u beeniyay in hogaamiyahoodii la dilay, waxa ayna sheegeen in uu sii wadi doono in uu hoggaamiyo ciidamada dagaalka ay kula jiraan dagaalyahanada Xuuthiska ee caasimadda, Sanca.


Ilo wareedyo ku dhow Saalax ayaa u sheegay Al Jazeera in sidoo kale madaxii hore ee nabadgelyada Xuseen al-Hamidi, sidoo kale lagu dilay,dagaalka laakiin ma bixin faahfaahin dheeraad ah.


Horraantii Isniinta, dhaq-dhaqaaqe ku sugan magaalada Sanca ayaa u sheegay Al Jazeera in dagaalyahanada Houthi ska ay gacanta ku dhigeen inta badan caasimadda dalka Yemen.

Comments