Wasiirrada Deegaanka Ee Caalamka Oo Soo Dhaweeyay Mamnuucida Kenya Ee Bacaha Balaastigga Ah.

Wasiirada degaanka ee ka socda adduunka oo dhan ayaa ammaanay mamnuucista bacaha balaastigga ah ee dalka Kenya.

Agaasimaha Guud ee Maamulka Maareynta Deegaanka Qaran Geoffrey Wahungu ayaa sheegay in aysan jirin dib u laabasho islamarkaana ku baaqay  inay taageeraan si ay u noqoto tallaabada a qaadeen mid lagu guulaysto. .

Mamnuuciddu waxay saameyn ku yeelatay shirkadaha soo saara bacahaha balse dadaal badan ka dib waxaa lagu guulaystay kiiska  si loo ilaaliyo laguna hormariyo nadaafada iyo bad qabka deegaanka.

Wahungu ayaa u sheegay Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay in hirgalinta arinta ku saabsan xayiraadda ay qaadatay in ka badan 15 sano iyada oo ururada Warshadaha Kenya ay ka hor imaadeen dhamaan dadaallada la sameeyay." Laakiin hada waxaan haysanaa taageerada siyaasadeed iyo mida dadweynaha," ayuu yiri.

Agaasimaha ayaa tilmaamay  in raadinta bedelaada wixii gali lahaa booska bacaha ay ahayd dhibaatada ugu weyn. Laakiin tani waxa lagu xaliyay iyada oo haweenka iyo kooxaha dhallinyarada ay la yimaadeen fikrado badan oo looga maarmi karo bacaha , ayuu raaciyay.

SI kastaba ha ahaate kulanka saddexaad ee UNEA ee sanadkan,ayaa lagka dhici doona magaalada, Nairobi, waxaana  loogu magac daray " Qorshaha in lagu noolaado duni wasaq la’aan ah.

Comments