Danjirayaasha Afar Dal Oo Ka Tirsan Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay (UNSC) Oo Ka Soo Horjeesatay Shirkii Maraykanka Ee Arimaha Dalka Venezuela.

Afar xubnood oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa ku gacan seeray inay kasoo qayb galaan kulan Golaha oo ay qaban qaabiyeen Wakiilada Maraykanka si ay uga wadahadlaan arimaha dalka Venezuela, iyaga oo ku doodaya in golaha uusan dhex galin arrimaha gudaha ee waddamada.


Maraykanka ayaa qabanqaabiyey kulanka Isniinti si uu ugala hadlaan wakiilada kale xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Venezuela, halkaas oo ay jirto xiisad ka dhaxaysa dawladda iyo mucaaradka.


Safiirada UN-ka ee wadamada Ruushka, Shiinaha, Bolivia, iyo Masar, oo aan kasoo qayb galin kulanka ayaa xusuusiyay in faragalinta arrimaha gudaha ee dalalka kale ay xadgudub ku tahay Axdiga Qaran ee Qaramada Midoobay, waxayna ku qeexeen tallaabada Mareykanka mid "sharci-darra ah".


Danjiraha Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobey Vassily Nebenzia ayaa u sheegay saxafiyiinta in uu rajeynayo in Venezuela ay xal u heli karto arrimaheeda si nabad ah iyada oo aan wax faragalin dibadeed lagu suubin.

Comments