Kenya: Qaxootiga Ku Jira Xeeryaha Dhadaab Oo Soo Dhaweeyay Furitaanka Maxkamad Cusub Oo Hay’ada Qaramada Midoobay U Dhistay.

Qaxootiga ku jira xeeryaha Dhadaab ee dalka Kiinya ayaa soo dhaweeyay furitaanka maxkamad cusub oo hay’ada Qaramada Midoobay ugu tala gashay dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.


Maxkamadda cusub ayaa waxaa maalgeliyey Midawga Yurub waxayna ku kacday US $ 310,000 si loo dhiso. Dhismaha waxaa ka mid ah qolalka maxkamadeenta, xafiisyo iyo xarumo kale.


Maxkamad la’aanta xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab sanadihii la soo dhaafay ayaa caqabad weyn ku aheed dadka qaxootiga in ay helaan garsoorka ayna xaliyaan khilaafaadka.


Ka hor intaan la furin maxkamadda cusub, qaxootigu waxay ku qasbanaayeen in ay u safraan magaalada Gaarisa, caasimadda Gobolka Waqooyi Bari Kenya, oo 100 km u jirta si ay uga qayb galaan dhageysiga kiisaska maxkamada iyo adeegyada kale ee sharciga.


Amina Axmed ayaa ka mid dadka tusaale ahaan dhibaatada badan kasoo maray adeega maxkamada waagii hore waxay u safartay marar badan Garsissa amina ayaa sheegtay inay caruurteda uga tagi jirtay xerada si ay maxkamad u aado oo ay usoo xaliso kiis ku saabsanaa ilmo la xannaaneeyo.


"Aad ayaannu ugu faraxsanahay in UNHCR, Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, iyo Xukuumadda Kenya ay adeega sharciga noo soo dhaweeyeen annaga..ayay hadalkeeda raacisay "


UNHCR ayaa maxkamada ku wareejisay mas'uuliyiin ka socday dawlada Kenya xafladii furitaanka waxayna sheegeen inay la shaqayn doonaan hay'adaha garsoorka Kenya si loo hubiyo in qiyaastii rubuc milyan oo qaxooti ah oo ku nool xeryaha Dhadhaab, ay heli karaan caddaalada.

Comments