Sahayda Gargaarka Loogu Talagalay Ee Yemen Oo Ku Xaniban Jabuuti

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in kumanaan tan oo ah gargaar bani'aadamnimo oo loogu talagalay Yaman ay ku xayiranyihiin dalka Jabuuti.

Kooxaha ayaa ka dhawaajiyay inay ka shaqeynayaan saacad walba si ay u soo diraan sahayda loo baahan yahay si loo gaarsiiyo Yemen, iyagoo ku raraya maraakiibta waawayn si ay isugu dayaan inay wax ka qabtaan dhibaatada marka Sacuudi Carabiya ay ka dhabeeso ballanqaadkeeda ah inay dib u furto qaar ka mid ah dekadaha iyo garoomada dalkaasi Yemen.

Sucuudiga ayaa xayiraadda kusoo rogay Yemen toddobaad ka hor, kadib markii kooxda hubaysan ee Houthi gantaal ku soo tureen magaalada Riyadh.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay cunta yarida , daawooyinka, iyo tallaalka muhiimka ah inay sababi karaan in Yaman ay ka dhacdo masiibo bini'aadinimo oo ballaadhan oo malaayiin qof ay u dhiman karaan.

Comments