Erdogan Oo Ugu Baaqay Ruushka, Mareykanka In Ay Ciidamadooda Kala Baxaan Suuriya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa soo jeediyay Ruushka iyo Maraykanka inay ciidamadooda kala soo baxaan dalka  Suuriya ka dib markii hoggaamiyayaashooda - Vladimir Putin iyo Donald Trump – ay sheegeen in aanay jirin "xal milatari" oo wax looga qaban karo colaadaha muddada dheer socda ee dalkaasi.

Erdogan ayaa saxaafada u sheegay isniintii inta uusan kasoo duulin magaalada Sochi ee dalka Ruushka si uu wadahadal ula yeesho Putin haddii xal milatari uusan jirin, markaa wadamada [Ruushka iyo Maraykanka] waa inay ciidamadooda kala baxaan dalkaasi... iyo in tallaabooyin loo qaado xal siyaasadeed," ayuu yidhi.

Hadalka Erdogan ayaa ku soo aadaya laba maalmood ka dib markii dawlada Ruushka war saxaafadeed uu soo saaray, kaasoo ka soo baxay shirkii Asia-Pacific ee ka dhacayay wadanka Vietnam, ay labada hogaamiye ee Putin iyo Trump  ku heshiiyeen inaysan jirin xal milatari oo ku aadan colaadda Suuriya.

Comments