Israa'iil Oo Lagu Eedeeyay Inay Hub Ka Iibiyeen Dawlada Myanmar Si Ay U Geystaan Tacadiyada Ka Dhanka Ah Muslimiinta Rohingya.

Koox ka mid ah hogaamiyeyaasha Orthodox ayaa ka codsaday golaha sharci dajinta qaran ee Israel Knesset inay baaraan wararka sheegaya in Myanmar ay adeegsanayso hub ay ka iibsadeen dawlada Israa'iil si ay u geystaan tacadiyada ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya.

Hogaamiyeyaashan ayaa warqad u diray gudoomiyaha guddiga barlamaanka Knesset oo loo xilsaaray kormeerka dhoofinta hubka Israel, ayaa lagu sheegay wargayska Ha'aretz Isniintii.

"Wadaadan ayaa doonaya inay ogaadaan in dawlada  Israaiil ay ka iibiyeen hubka Myanmar sanadihii la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbaahinta caalamka, islamarkaana ay sii wadaan in ay sidaa sameeyaan xitaa kadib markii la soo daabacay warbixino dhowr ah oo ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee wadanka ka dhacay?" "Haddii ay sidaas tahay, maxaa sababay maxaana diidmo loo  saari waayay ayay ku doodeen?"

Warqada ayaa sida lagu soo waramayaa ay ku jiraan warbixino iyo markhaatiyo muujinaya in Israel ay hub ka iibisay Myanmar.

Comments