Filibiin: Dibad-baxayaasha ku sugan caasimada Manila oo ku baaqay 'mamnuucista' Trump

Ciidamada bilayska Filibiin ayaa isku dhaceen boqolaal dibad-baxayaal ah oo ku qaylinaya hadalo-nacayb oo ka dhan ah madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyadoo caasimada Manila ee dalka Filipiin ay ka socoto munaasabad ballaaran oo dalkaasi ku marti gelinaya 19 Madaxweyne iyo Raysalwasaare ee dalalka Aasiya .

Calaamada badan oo midabya leh ee madaxwaynaha Maraykanka, oo ay ku jiraan mid loo ekeesiiyay calaamada Nazi ee swastika, ayaa lagu arkayay waddooyinka caasimadda Filibiin.

Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte ayaa sidoo kale ka soo muuqday sawirada qaar, iyada oo labada hoggaamiye ay u wada fadhiyeen wadahadal toos ah meel  aan ka fogeen saddex kilomitir goobta dibad baxa uu ka socday.

Dibad-baxayaashu waxay wateen calaamado ay ku qoranyihiin  "Trump Go Home" iyo "Ban Trump iyo Trump waa argagixisada koowaad".

Dadka dibad baxayaasha oo lagu qiyaasay ilaa 2000 oo qof ayaa waxa ay bilayska u adeegsadeen biyaha gaaska dadka ka ilmeesiiyay iyo aaladaha dhawaqa dheer si ay u kala cayriyaan 

Comments