Turkiga oo beenisay qorshe ay ku dooneyso in lagu afduubo wadadkii lagu eedeeyay afganbigii dhicisoobay

Dawlada Turkiga ayaa beeniyay warar sheegaya in ay wadaxaajood kala yeesheen la taliyihii hore ee ammaanka qaranka mareykanka michael flynn in loo soo gacangaliyo Turkiga wadaadka lagu magacaabo fethullah Gulen oo lagu eedeeyay afganbigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa Axaddii sheegtay in Ankara ay wali daba socoto wadada sharciga ah oo ay ku dhiirri galinayso Washington in ay soo wareejiyaan  Gulen si maxkamad loo horkeeno eedeymo la xariirta isku daygii afganbiga sanadkii hore.

Turkiga ayaa ku tilmaamay warbixintii maalinta jimcaha ay bahiyeen talafishinka nbc news iyo jariirada wall street oo ku saabsanaa qorshe qarsoodi ah oo lagu afduubayo Gullen uu yahay mid aan sal lahayn".

Wargeyska Maraykanka ayaa warbixintiisa ku sheegay in La taliyihii hore ee ammaanka qaranka Mareykanka Michael Flynn iyo wiilkiisa loo soo bandhigay lacag dhan 15 milyan oo doolar si uu gacan uga gaysto in si qasab ah looga soo qaado Mareykanka dibna loogu soo celiyo Trukiga wadaadka u dhashay dalkaasi.

Eedeynta ku saabsan in la maleegayay in Fethullah Gulen,loo gacangaliyo Turkiga ayaa markii ugu horreysay waxa shaaciyay bishii March agaasimihii hore ee CIA James Woolsey.

Hasa yeeshee Michael Flynn ayaa wax aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay eedeeymaha loo soo jeediyay.

Dowladda Turkiga ayaa ku eedeeysay Mr Gulen, oo ku nool gobolka Pennsylvania,ee Mareykanka in uu ka dambeeyay af gambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay sanaddii aanu soo dhaafnay.

Mr Gulen ayaa lagu tilmaamaam in uu yahay nin ay siyaasad ahaan si wayn isaga soo horjeedaan madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.

Comments