Tobanaan Kun Oo Isugu Soo Baxay Marinka Gaza Xuska Sannadguurada 13aad Ee Dhimashada Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta Yasser Arafat.

Dadka reer falastiin ee ku sugan marinka  gaza ayaa ku biiray xuska sannadguurada 13aad ee kasoo wareegtay dhimashada hoggaamiyaha falastiiniyiinta yasser arafat.

Tani waa markii ugu horreysay muddo 10 sano ah oo xuska sannadguurada dhimashada aasaasihii dhaqdhaqaaqa Fatah lagu dabaaldago Marinka  Gaza oo xisbiga Xamas ay ka taliyaan.

Qabanqaabiyayaasha ayaa ku tilmaameen  munaasabaddan in ay ahayd maalin loogu magic darayo midnimada qaran.

Dad badan ayaa rajeynaya in heshiiska cusub oo dhowaan kala saxiixdeen Fatah iyo Xamas uu soo afjari doono xafiiltanka labada dhinac ka dhaxeeya mudo dheer.

Hoggaamiyahii falastiiniyiinta yasser arafat ayaa sanadii 2004 ku dhintay isbitaal ku yaala dalka fransiiska waxaana falastiiniyiinta ay ku eedeeyaan israel in ay sumeyeen, laakiin ma bixin wax caddeyn ah.

Ciidamada xamas ayaa xoog ugala wareegay xisbiga  Fatah Marinka Gaza sanad kadib markii ay ku guuleysteen doorashooyinka sharci dejinta ee sanadii 2006.

Munaasabada ballaaran ayaa kusoo aadaysa xili uu sii wanaagsanaanayo xiriirka ka dhexeeya Fatah iyo Xamaas, bil kadib markii labada isbahaysi ay heshiis ku saxiixdeen masar si loo joojiyo kala qaybsanaanta falastiiniyiinta.

Heshiiskaan ayaa Xamas waxa ay hogaanka maamulka Gaza ku wareejin doontaa xisbiga talada haya  ee Fatax kadib toban sano ee xukunka kooxda islaamiga.

Comments