Prince Charles Oo Ku Eedeeyay 'Yuhuudda Yurub' Dhibaatada Bariga Dhexe:

War saxaafadeed ka soo baxday dhaxal sugaha boqortooyada Ingiriiska  Amiir Charles in ka badan 30 sano ka hor ayaa  ku eedeeyay fowdada iyo rabshadaha ka jira gobolka Bariga Dhexe qulqulka Yuhuudda yurubta ee tagaya dhulalka la qabsaday.

Wargeyska British Daily Mail ayaa Axaddii shaaca ka qaaday in Prince Charles uu sameeyay qiimeyn ku saabsan isku dhaca Falastiiniyiinta iyo Israiil  warqad uu u diray saaxiibkiisa Laurens van der bishii November 1986 ka dib markii uu booqasho rasmi ah ku tagay wadamada Sacuudi Carabiya, Bahrain iyo Qatar.

Prince Charles ayaa qoraalkaasi ka sameeyay "khibraddiisa" iyo aragtidiisa ku aadan "waxa uu ka bartay Bariga Dhexe iyo Carabta."

"Amiirka ayaa Sidoo kale sheegay inuu markaa bilaabay in uu si fiican u fahmo 'aragtida ku saabsan Israa'iil ee Carabta. Marna uma malayneenin inay u arkaan inay yihiin gumeyste Maraykan ah, "ayuu qoray, isagoo intaa ku daray," Waxaan hadda aaminsanahay... inay tahay qulqulka dadka yahuuda yurubta  (gaar ahaan Poland, inay gacan ka geysateen dhibaatooyin badan ee gobolka. "

Prince Charles ayaa sidoo kale muujiyay rajo ah in madaxweynaha Mareykanka uu "lahaan doono dhiiranaanta inuu u istaago oo uu wax ka qabto waxa loo yaqaano Jewish lobby ama olaleeyayaasha Yahuuda."

Comments