Kooxda Kormeerka Qaramada Midoobay Oo Ku Eedeesay Madaxwaynaha Koonfurta Suudaan In Cuntada Uu U Adeegsado Hub Dagaal Si Loo Dhibaateeyo Dadka Ka Soo Horjeedaan Ajendahiisa.

Hay,Addda Qaramada Midoobay Ee UN Monitoring Group Oo Warbixin Qarsoodi Ah Oo Ay Heshay Wakaalada Wararka Ee Reuters U Gudbisay Golaha Amniga Ee QM Ayaa Ku Eedeesay Madaxwaynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir In Uu U Adeegsado Cunnada Hub Dagaal Si Uu U Bartilmaameedsado Dadka Rayidka Ah Isagoo Xanniba Gargaarka Badbaada Ee Loogu Talagalay  Meelaha Qaarkood,.

Kooxda Daba-Galka”Ayaa Sheegay In Ololaha Militariga Ee Ciidamada Dawlada Ee Waqooyi-Galbeed Ee Magaalada Wau Iyo Meelaha Ku Hareereysan Ee Gobolka Galbeedka Bahr El-Ghazal Intii Lagu Jiray Sanadahii 2016 Iyo 2017 Ay Ku Bartilmaameedsadeen Dadka Rayidka Ah Ee Ku Nool Goobahaas Oo Ay Ku Saleynayaan Qabiilkooda  Taasoo Keentay  Barakaca In Ka Badan 100,000 Oo Qof.

Warbixinta Kooxda Baadhayaasha Ayaa Lagu Qoray In Xukuumadda Koonfurta Sudan Ay Inta Badan Sanadkan 2017 Si Ula Kac Ah U Horjoogsatay Inuu Gaaro  Gargaarka Cuntada Badbaadinta Qaar Ka Mid Ah Muwaadiniinta.

"Warbixinta Kooxda Kormeerka Ayaa Farta Lagu Fiiqay In Ficilada Noocan Ay Ka Dhigan Yihiin In Cuntada Loo Adeegsan Karo Hub Dagaal Oo Ay Ujeeddo Tahay In La Sii Kordhiyo Dhibaatada Dadka Rayidka Ah Ee Dawladdu U Aragto In Ay Ka Soo Horjeedaan Ajendahooda.

"Kooxda Ayaa Ku Sheegeen Warbixinta Loo Gudbiyey Golaha Ammaanka Ee QM Ee Guddiga Cunaqabateynta Koonfurta Sudan In Diidmada Gargaarku Ay Sababtay Nabadgelyo-Xumo Ba'an Oo Ka Jirta Qaybo Badan Oo Ka Mid Ah Dadweynaha, Taasoo Keentay Xaaladaha Nafaqo-Xumada Iyo Dhimashada La Diwaan Galiyay Iyadoo Sabab U Tahay Gaajada Daran, Gaar Ahaan Aagga  Greater Bagge Ee Deegaanka Wau,".

Comments