Shabaab oo oday 82 jir ahaa ku toogtay Fagaaraha Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose

Shabaab oo oday 82 jir ahaa ku toogtay Fagaaraha Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose20 March 2017

Ururka Al Shabaab, ayaa waxay galabta xukun dil ay ku fuliyeen oday 82 jir ahaa, iyadoona xukunka uu ka dhacay Fagaaraha Deegaanka Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Odaygan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Diini Cali, ayaa waxay Shabaabku ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay Magaalada Baydhabo.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab, ayaa sheegay in odayga uu Maxkamadda ka hor qirtay eedeymihii loo soo jeediyay, sidaasi daraadeedna lagu xukumay xukun dil ah, sida uu yiri.

Qaadiga oo Fagaaraha Awdheegle kula hadlaayay boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka, ayaa sheegay in nin kasta oo ka qayb qaatay doorashooyinka dalka uu xukunkiisu yahay dil.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, ayay Al Shabaab xoojisay beegsiga ay ku hayso ergadii soo xushay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Comments