Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ku geeriyooday dalka Kenya

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ku geeriyooday dalka Kenya19 March 2017

Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in saakay dalkaasi uu ku geeriyooday Xildhibaan Cabdul qaadir Faarax Bootaan oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland .

Xildhibaan Cabdulqaadir Faarax Bootan ayaa waxaa xaalad Caafimaad loogu qaday dalka dibadiisa  kadib markii dhaawac Culus uu ka soo gaaray Qarax loogu xiray  gaari uu watay xili uu ku sugnaa gudaha magaalada Gaalkacayo.

Qaraxa Xildhibaanka lagu dhaawacay ayaa dhacay sagaalkii Bishan aan iminka ku jirno, wixii xilligaasi ka dambeeyay dalka Kenya ayaa lagu daaweynaayay Xildhibaanka.

Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyay Xildhibaan  Xuseen Axmed Nuur oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamnka Puntland.

Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaankaasi ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Comments