Madaxweynaha Somaliya oo Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Midowga Afrika (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliya oo Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Midowga Afrika (Daawo Sawirada)18 March 2017

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki, oo saakay booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde, masuuliyiintii soo dhaweysayna waxaa horkacaayay Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Intaasi ka dib, ayaa waxaa Gudoomiyaha Midowga Afrika loo galbiyay Aqalka Villa Somalia, halkaasoo uu ku qaabilay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo.

Labada dhinac, ayaa kulankoodan kaga hadlay arrimaha abaaraha iyo ammaanka dalka, sida uu xaqiijiyay C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo ka hawlgala Madaxtooyada Somaliya.

1489842346a5b4a.jpg

148984234919313.jpg

1489842350d2776.jpg

1489842351f0353.jpg

14898423532e5e6.jpg

148984235408061.jpg

14898423555e710.jpg

Comments